hablo sabanka joogiyo
soomaaliyoo idil
adaan kaa dhex soocdee

saacadaanan kuu iman
nafta waan sasabayaa
sidaan ahayba mooyee

sahalkii jaleecada
indhihii ku sibiqsaday
wali way ku sugayaan

sagaliyo daruuriyo
saciyo barwaaqiyo
dhuluu roobku saakimay

surimada xareedii
dhamaan ay soconayaan
oo sahanku soo baxay

Exit mobile version