Hadii qiimiyo haween
Quruxda lagu dooran jiray
Adigaa ugu qaayo wayn

Dhismaha qotonkee jidhkiyo
Dhexdiyo labadaada qaar
Sankaa qoran iyo indhaha
Cabaadhyaha qoorta sudhan

Anigu qarnigan ma arag
Horona loogama qisoone

Sidii qorax soo baxdaad
Qayrkaa uga muuqataa
Aadbaan ugu qanacsanee
Miyaynu qaybsami karnaaye

Mankiyo ubaxii qarxee
Dhirtiyo laamaha qabsada
Indhuhu soo qaban ogaa

Siduu QAADIR kuu unkiyo
Dabeecada qaaliga ah
Ayaa qalbigii godloo
Asluubtaa qaadatee

Intii sharaf kuu qarsoon
Naftaa ku qabawsatee

Exit mobile version