hadal waa sarbeebiyo
haw saafin waayee
sargankiyo biciidkuna
sandaag loogu joogaa
sugunkiyon tigaadaa
geelu sidig ku yeeshaa
sareedada aduunkana
sahal lagu tilmaamiyo
marosaamigeedii
raguu kala sareeyaa
ana suuradeediyo
kama hadhin sabaaxadan
saruurad ku hoyn lahaa
sukura iyo cirjiidha
sancadaan u eegaa
sacabkiyo ciyaartaa
sareyn lay tumadaa
salaantiyo bariidda
gacal waysku sooraa
sagalkiyo daruuraha
sarmaweydo ciratiyo
wuxu sabuulu daayana
nimuu seejig weydee

Exit mobile version