basradii boosasiyo
balayga ku barbaartayee
badhbaad hablo dheertahoo
bureeqadii dumarkiyo
waxaad tahay ubax baxay
adaa beerkiyo wadnaha
halbawlaha beegsadoo
bastaabaan ahay dartaa
baadkii awgaa ka go ayoo
hurdada badi ma seexda oo
adaan kula baratamaa
habeenin wacadkiiyoo
axdigu yuu sahal burburin
basrey yuu sahal burburin

basradii beel wacantiyo
barwaaqada lagu korshey
badhbaadh hablo dheertahoo
baxnaanadii noloshiyo
waxaad tahay balo xijaab
adaa boholyowgiyo
basanbaaska ibadoo
bastaabaan ahay dartaa
baadkii awgaa ka go ayoo
hurdada badi ma seexda oo
adaan kula baratamaa
ha beenin wacadkiiyoo
axdigu yuu sahal burburin
basrey yuu sahal burburin

Exit mobile version