baahida kalgacalkiyo
basanbaaska aan kuu qabo
adigaa igu beeroo
baal maray jacaylkee

wadnahayga bidixiyo
beerkaa ku tabayee
baxnaanadii naftaydaay
boholyowga caashaqaa
igu sii balaadhoo
baabiiyay badankee

boogihii jacaylkiyo
nabaradii bislaadee
kuu busaylay adigoo
bogsan waayay awgaa

halbawlaha badhkiisiyo
beerkaa ku tabayee
baxnaanadii naftaydaay
boholyowga caashaqa
igu sii balaadhoo
baabiiyay badankee

Exit mobile version