Canabeey jaceylkaan
la cartamaayey toban sano
haddaan ka cafimaadee

sidan ku calmaday baan
ku calool jeclaado aha
cindigaad ku talla

labada is calooshaday
hadaan cid la kala gelin
cagaha isu geyanee macaaney
calaf haysku keen simo

canabeey jaceylkaan
igu maad canaadiyo
wakhtiga i ciile

anba caynka aad tahay
ayuu i cadibayoo aha
i caleemo saare

labada is calooshaday
hadaan cid la kala gelin
cagaha isu geyanee macaaney
calaf haysku keen simo

Exit mobile version