dahabadaan jeclaayey
dumar ugu fil rooney
dadab inaan galnaabaa
dunida ugu jecelahay
caashaqaan dareenkiyo
igu reebay daalkaa
dawadiisa noqotaan
dunida ugu jecelahay
dan inaan wadaagnoo
isku dari ahaanaan
ubad daadahaysaa
dunida ugu jecelahay

daa,im lagama quustee
soomaaliya dalkeenaa
inaan wada dagnaabaa
dunida ugu jecelahay
dooxadii galmoodiyo
durdurkii carmoodiyo
daalo inaan dalxiisnaan
dunida ugu jecelahay
dunidoo barwaaqa ah
inaan wada dakaynoo
dareenkeena dogobaa
dunida ugu jecelahay

Exit mobile version