kartida iyo hubqaadkii
kor kakoray haldhaagaa
aan ka gaabsanwaayee
kariimkay midkula mida
kuma uumin dunidee
kurbada iyo xanuunkii
aan kadeedka caashaqa
kaafiyey ilownee
kaalay kaalay laabta igu qabo
kalmadaha macaaniyo
kaftankiyo sheekada
igu kooban kaliday
kalgacayl igaliyoo
kash kaygaa kutabayee
kayn wada udgooniyo
kaahiyo ilaysay
karku ha ina daayee
kaalay laabta igu qabo

Exit mobile version