kalgacaylku waa ubax
aadmigu ku ladanyahay
waa laydh qabow woo
lahadhsado had iyo jeer
lahashada dareenkaa
laabtayda sudhanee
sina uma ladaayee
laba nolol wadaagtoo
lamaaneeyey caashaqa
ladaney ma noqonaa

kalgacayl waa ubax
aduunyada lamaanuhu
waxay libin ku gaadhaan
isku laab furnaantee
anigana laxaadkiyo
lugahaaad sudhantahoo
isma loodinkarayee
laba nolol wadaagtoo
lamaaneeyey caashaqu
ladaney ma noqonaa

Exit mobile version