wabi malab durdurayiyo
sida midho macaanoo
meelsare ku yaaloo
mililico bisaylkii
muhanaysa laabtaan
muunay kugu mataalaa
muuqaalka aragtidaa
nafta muxubo kalisayee
muuqaali adigaan
haween kaaga maarmee
marxabiyo gudoonbaan
macaan kaa sugaayaa

maankiyo xikaygiyo
qalbigaad ku marantoo
marna kaama maarmoo
midigtaydiibaad tahee
hadii mawle nagu simo
aan wada mushaaxnee
inagoo mataano ah
ila maamul caashaqa
muuna qaali adigaan
haween kaaga maarmee
marxabiyo gudoonbaan
macaan kaa sugayaa

Exit mobile version