Adigaa nasrooy
Niyaddiyo qalbiga
Naafeeyayo
Nafaqadii ka jaray
ku nuglaadayo
Nasan waayayee
Nolol ila wadaag

Naruuradii kalgacalkiyo
Nasteexiyo naqdooglaay
Nasri Eeba keeniyo
Nafta raaxadeedaay
ha nus qaamin caashaqa

Adigaa nasrooy
Nabarada jacel
ku nuux nuux sado
Somba bada ku naban
Nabdigiyo wadnaha
ku negaatayoo
ku noq nooqonaysa
Naruurada kalgacalkiyo
Nasteexiyo naqdooglaay
Nasri Eeba keeniyo
Nafta raaxadeedaay
ha nus qaamin caashaqa

Exit mobile version