Dayaxoo Shinkii Galay
Ama Shaaca Waaberi
Shugriyeey Aduun Baa
Shabahaaya Midabkee

Shan Jeer Bad Ka Roontahay
Shabadyahay Asaagaa
Midii Shiikhu Dhalayee
Sharaf Lagu Barbaarshaay
Sharka Dunida Dhacayiyo
Shaydaan Ku Kuma Helo
Sheekadii Dhexdeenan
Sheedaa Ka Dhawroo
Ka Ogoow Shidiyo Halis
Iyo Shuushka Caashaqa

Inagoo Shuraako Ah
Shaxda Waynu Gaadhiye
Hala Shawrin Nacabkee
Shirqoolada Ka Dheeroow
Sidii Geenyo Shaaximan
Shaalagu Hagoogyeey
Jacaylkaa Ishidayoo
Geyaan tan ka sheegtay
Shib Waxaan Ahaadoo
Aan Ka Shiixo Aadmiga
Hadan Sheegayaayoo
Shirka Kaga Dhawaaqee
Shinkaa Adiga Mooyee
Lama Showro Ruux Kale
Waana Shaama Reeroo
Shugri Day Madaadaa
Nafta Show Dabiib Iyo
U Ah Shifiyo Naalee
Inagoo Shuraako Ah
Shaxda Waynu Gaadhiye
Hala Shawrin Nacabkee
Shirqoolada Ka Dheero

Exit mobile version