labo labo maan is doortoo
midnimada jacaylkiyo
mareeyayna caashaqa
ka yeel mawlow ka yeel
aamiiin aamin aamiiin
labo isku marayoo
la isku moodo ruux qudha
ku mabsuuda caashaqa
ka yeel mawlow ka yeel
aaamiin aaamiiin aaamiiin

isla qaata maalmaha a
hobeey hoobeey
waa macaan aduunyada
hoobey hooobeey
illaah maal aduun
iyo ubad idinku maamuus

laba riyo macaan badan
mulkiyooo wadaagoo
mininkoodu dhisan yahay
ka yeel mawloow ka yeel
aaamiiin aaamiiiin aaamiiin

laba muunad gaariyo
mihi eeebe siiiyo
dadka madal tusaaliyo
ka yeel mawloow ka yeel
aaaamin aaamiin aaaamiiin

isla qaata maalmaha a
hobeey hoobeey
waa macaan aduunyada
hoobey hooobeey
illaah maal aduun
iyo ubad idinku maamuus

Exit mobile version