gufaacada roob
gariiray habeen
goortay gobadiisa
gaadhay dhulkoo
kugaylamo milgo
raaxano hayn
galool gondo wayn
gaduu ululaa
jacayku ii gililaa

godoomayee dartaa
waan gaardiyaa
kagoostay gayaan
waan gees maraya

gibLay talada ku
gawda hayaa
gaadh ban isidhaa
dibaan ugurtaa

waan geediyaa waawa
waan guuro sucdaa waa
waan soo ganoono waawa
waan gaabinyaa
waay iigurman laydee
waan isgaabinayaa
giiraan xidhaanbaan
kuguud urdayaa

hablaha gayigay
ugaarisan too
dhaganka gobanimay
lagaar tahayoo
dhashii gado iyo
waa geed curdnoo

ninkaan kagaraabin
muu garaninee
geeriyo guri wacan
guulow nagu beeg

goortan arkaybaan
galbigu godladoo
heesiyo gabaybaan
ugola fuuloo
garaadkiyo maanka
way gadatoo
cakuuyee gocoshada
halkeen kagalaa

Exit mobile version