Intaa bilan haween
Duni ku noolee barbaarta
Wali ruux ku baal mara
Qurux kuu babac dhiga
Baladkeena kuma arag kuma arag
2x

Inaad tahay boqoradoo
Lagu dhalay cadaatee
Dabcigaaga lagu beer
Farxad iyo bashaashnimo
Ubaxnimo badkeeda leh
Xumaana laga buri laga buri
Xumaana laga buri
2x

Hinda baari weeyaan weeyaan
Waa booramaawiyaad
Aqoon buuxda weeyaan weeyaan
Baydkay ku ababtaa
Bilad loogu xidhayoo
La boqroo la dhowroo
Diinaa lagu barbaarshoo
Boqol boqol la siiyoo
Awdalbaa wax lagu baray
Awdalbaa wax lagu baray
2x

Hadii aan bayaaniyo
Weedha guur ku soo qoro
Soo bandhigo amaantaa
Bishimuhu ma koobaan
Intanbaa war leedahay leedahay
2x

Waxa tahay bureeqiyo
Dayaxii ka soo baxay
Cirka baaxadiisa leh
Xidigoo ka sii badan
Inay baabahshaab
Basteena qarin karin qarin karin
Basteena qarin karin
2x

Hinda baari weeyaan weeyaan
Waa booramaawiyaad
Aqoon buuxda weeyaan weeyaan
Baydkay ku ababtaa
Bilad loogu xidhayoo
La boqroo la dhowroo
Diinaa lagu barbaarshoo
Boqol boqol la siiyoo
Awdalbaa wax lagu baray
Awdalbaa wax lagu baray
2x

Exit mobile version