jaaha quruxda leh jaleecoo
jamaalkaaga nuurnka leh jeclaysto
naftayduna ku jamatay jamiilaay
jalaqsanida socodkana jiboodoo
joogsiga hanaankaa i jiitoo
jiritaanka waayahaaga gooboo
halkaad joogtid uun baan jihaystee
jecliyaa la joogaaga jecliyaa
jeegaan la moodyeey jecliyaa
jeeraan ku arko ma joogee

joogo maqanaha la jiidhoo
jaraynta xubnahana jiboodoo
u jirabayoo u jeelayee
jacaylkaaga u jiir go,aye
jajabsiga hadalkana jareeyoo
jeedsaday afku juuqi waayoo
jahwareeray waan jirircoodoo
intaan jeedsaday waan jarmaadey
jecliyaa la joogaaga jecliyaa
jeegaan la moodyeey jecliyaa
jeeraan ku arko ma joogee

Exit mobile version