VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ladan deeqsi mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Guleed Simba
Ladan deeqsi

Ladan gaari dumar iyo
Wacan oo kal deeqoo
Labayohow is doortay
Iska dayray nacabkoo
Xuska dadab galkiina
Awdal lagu dabaal dagee

Jacaylkiyo la dareenkii
Mudo aad daryeeshee
Doogii ka soo baxay
Dunidaa mabsuudee
Idinkuna ku doogsada
Idinkuna ku doogsada
Idinkuna ku doogsada
Idinkuna ku doogsada

Isku duubnidiinana
Ishan daymo dhugataa
Ha daraandartee
Farax farax farax
Nolol wada dakeeyoo
Ubad haya dariiqiyo
Dawga eebe mara idhi
Ku ducaynayee dhala dhala
Ku ducaynayee dhalaa

Ladan deeqsan sharafiyoo
Wacanoo haldooroo
Laba caashaq daacada
Wada daadaheeyoo
Libta doonistiina
Dalka laga durbaan tumay

Raxmadbaa daroortee
Guushiinan dahabkaa
Kalgacayl ku dayroo
U dalxiisa cayn cayn
Dadku wada hinaasaan
Dadku wada hinaasaan
Dadku wada hinaasaan
Dadku wada hinaasaan

Isku duubnidiinana
Ishan daymo dhugataa
Ha daraandartee
Farax farax farax
Nolol wada dakeeyoo
Ubad haya dariiqiyo
Dawga eebe mara idhi
Ku ducaynayee dhala dhala
Ku ducaynayee dhalaa

codkii Guleed Simba