VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mar la arag - Lyrics

Muuqa quruxda leh Mar waxaan idhi Ma dhirtoo mayay Subax maydhoo Ubax midabliyo Manka bixisaa? Murtideedana Mar waxaan idhi Ma abwaan mudhay Oo tix mariyiyo Sheekh muftiya oo La majeertaa? Maanka deeqaay Maalin iyo layl Yaa ku milicsada? Yaa maalyuuniyo Kun ka mudaneey Meel xun kaa jira? Oo marwaad tahay Milgo sharafliyo Rabbi maamuus Ku mannaystee Yaa mullaaxyahay Meher kugu xidha? Mar la aragyahay Mar waxaan idhi Ma tufaaxiyo Midho canabaa Mise waa dahab Luulka midabkaa? Mar waxaan idhi Wax la muunadi Ma joogee Ma xariiriyo Xuural cayn mudan Oo mar timid baa? Maanka deeqaay Maalin iyo layl Yaa ku milicsada? Yaa maalyuuniyo Kun ka mudaneey Meel xun kaa jira? Oo marwaad tahay Milgo sharafliyo Rabbi maamuus Ku mannaystee Yaa mullaaxyahay Meher kugu xidha?
Queue is empty
-- / --