Muuqa quruxda leh
Mar waxaan idhi
Ma dhirtoo mayay
Subax maydhoo
Ubax midabliyo
Manka bixisaa?

Murtideedana
Mar waxaan idhi
Ma abwaan mudhay
Oo tix mariyiyo
Sheekh muftiya oo
La majeertaa?

Maanka deeqaay
Maalin iyo layl
Yaa ku milicsada?
Yaa maalyuuniyo
Kun ka mudaneey
Meel xun kaa jira?
Oo marwaad tahay
Milgo sharafliyo
Rabbi maamuus
Ku mannaystee
Yaa mullaaxyahay
Meher kugu xidha?

Mar la aragyahay
Mar waxaan idhi
Ma tufaaxiyo
Midho canabaa
Mise waa dahab
Luulka midabkaa?

Mar waxaan idhi
Wax la muunadi
Ma joogee
Ma xariiriyo
Xuural cayn mudan
Oo mar timid baa?

Maanka deeqaay
Maalin iyo layl
Yaa ku milicsada?
Yaa maalyuuniyo
Kun ka mudaneey
Meel xun kaa jira?
Oo marwaad tahay
Milgo sharafliyo
Rabbi maamuus
Ku mannaystee
Yaa mullaaxyahay
Meher kugu xidha?

Exit mobile version