hamigeeda wanaagsan
hubqaadkeeda wanaagsan
hadal iyo odhaahsan
haybadiyo quruxsan
hoygeedu udugsan
haybteedu madalsan
hoodo iyo ayaansan
nin helaa nasiibsan
habeen iyo dharaar
halkuu rabay dareensan

jacayl iyo deeqsan
hagardaamo ka gaysan
dhaqankeedu hagaagsan
hidaheedu nasabsan
horjoogeedu faraxsan
hibo weeyi ducaysan
hubso sharaf hanaansan
nin helaa nasiibsan
habeen iyo dharaar
halkuu rabay dareensan

Exit mobile version