sidii ubax wada sitaacan
adaa qurux iyo sariig leh
sidii qorax soo baxaysa
adaa sagaley ilwad leh
hablaha suxuliyo
fardheer e

sankiyo sararaha gacmahiyo
kubkiyo suniyaha indhaha
sal guur midab aan lahayn
abkaagu soo cawee

wajiga furan iyo sujuuda
sunada dhaqan iyo xabiibka
saxaabada waad ku toostay
salii qalbigaagu weeyi

sidii sayax iyo dhul doog leh
i saaq sagaly codkaagu
dubkaaiyo muuqa suufka
sartaada labeenta saaran
la waa sagalay ruux kula samaysa

sifaad hideeda sudhan
sintiyo labadeeda qaar
saluug weedha lahayn
sabii hadalkaagu weeyi

wajiga furan iyo sujuuda
sunada dhaqan iyo xabiibka
saxaabada waad ku toostay
salii qalbigaagu weeyi

Exit mobile version