Siraadka cadceed Sadar ku muuqdo
Iftiinka siyaado saaray foodkee
Sifaha nuurkeed yaan la dhacee
Soomaali miyaa
Ahee saro jooga Dhirirkaa siman
Markee socotana talaabada saxan
Soowtkeeda ayaa Surmada bi-iyee
Soomaali miyaa
Miyaa somali miyaa
Sumadda ii sheeg Somali miyaa
Miyaa Somali miyaa
Quruxda soocan Soomaali miyaa
Indhaha saaqedee Somali miyaa
Si baan ugartee Somali miyaa
Waa saxar lee Somali miyaa
Sawirka qalbigayga yaalay Samaan
Riyada saldhigtay hankayga surneed
Naftoo samirtoo Mudaan sugayee
Soomaali miyaa
Bal eeg sunayaha Indhaha
Sanka wajigeeda dheeha ku suran
Sameeskeeda cid suureeninee
Soomaali miyaa
Miyaa somali miyaa
Sumadda ii sheeg Somali miyaa
Miyaa Somali miyaa
Quruxda soocan Soomaali miyaa
Indhaha saaqedee Somali miyaa
Si baan ugartee Somali miyaa
Waa saxar lee Somali miyaa