Waa nin duniyo heestoo
Dolarka iyo laga qaaday deeqee
Waa maskiin daciifoo
waayahu doorshoo
Mahad lagu dubayee
Waa laba dooq wadaagtoo
Uhishiinin dunidee.
Marbaa deeqda kuu xerxeran
Huunooy lagu dacalmarshaa
Marbaa raadka laba is jecel
Calafku kala diraa
Waa cirkoo daruur lai
Mayal daruurla’i
Roobku ka da’waa
Waa dhulkoo dodabla’i
Dooga iyo cagaar
Xoolahu ka heli la!
Waa naf guri dhaxjoogtoo
Hiloowday haraadkii
Marbaa deeqda kuu xerxeran
Huunooy lagu dacalmarshaa
Marbaa raadka laba is jecel
Calafku kala diraa

Exit mobile version