Suuradaada wacan iyo
Sara joogan muuqiyo
Sanaqaroorka kugu yaal kugu yaal
2x

Sii jeedka socodkiyo
Sinta bidixda laafyahan
Saddexaad ku wadataa
Soo socodka daawo
2x

Si kastaan ku eegaba
Soomaalaad u sidataa
Si kastaan ku eegaba
Soomaalaad u sidataa
Sinaameey wanaageey
Aan farankii ku siiyee
Su,aal ha iga soo gocan
Sinaameey wanaageey
Aan farankii ku siiyee
Su,aal ha iga soo gocan

Saancad weeye caashaqu
Sootaanan bayaanshoo
Soo gaabshey uurkee uurkee
2x

Adiguna saluuglaay
Sal wacan ku leedahay
Sisilada laf dhabartiyo
Saabaleyda feedhaha
2x

Sida beerkiyo wadnaha
Sambabada ku saaqdoo
Sida beerkiyo wadnaha
Sambabada ku saaqdoo
Sinaameey wanaageey
Aan farankii ku siiyee
Su,aal ha iga soo gocan
Sinaameey wanaageey
Aan farankii ku siiyee
Su,aal ha iga soo gocan
Su,aal ha iga soo gocan
Su,aal ha iga soo gocan

Exit mobile version