Erayadii = xasan hoori
Laxankii = Axmed Haykal
Codkii iyo musigii = Gulled Axmed

Jacaylku hiduu lahaa
Hab iyo sumadbuu lahaa
Habqaad ku tilmaansatiyo
Hanaan loo maruu lahaa
2x

Haasaawe is dhaafa iyo
Kaftan loo hiloobi karo
Tixraac iyo hogatus maaha
Murtiyo hodhac buu lahaa
2x

Isagaan hoodi hoodi odhan
Intuu humaag iigu yimid
Hirkiisa i qaadayoo
Sidii hogol iigu da,ayee
2x

Jacaylku ma habaabi jirin
Hilil uu maruu lahaa
Bartuu ka hilaaca iyo
Yool iyo hadafbuu lahaa
2x

Heeryada i dul saaran karo
Hebad uu ratuu lahaa
Gacalo u hagaaga iyo
Naftiisa horuu u lahaa
2x

Isagaan hoodi hoodi odhan
Intuu humaag iigu yimid
Hirkiisa i qaadayoo
Sidii hogol iigu da,ayee
2x

Exit mobile version