ilaa iyo dharaartii
uurkaaga hooyo rabi
iigu uumay unugyadayda
jirkaaga in lagasiiyaye
adhaxdiyo calooshiyo
ubucdiyo makaan kiyo
oofahaaga dhexdoodana
qalbi lula iiga dhigay
intaad dunida joogtoo
nolo aaya tiin wacan
aaqirana fardawsa
anbiyada agtooda
eban ku baryaayaa
naftu waa amaanee
ajashaadu hooyoo
hadii aad cidlaatoo
oo iilaka lagu dhigo
kuma cuno aboorku
aayadaha quraan kiyo
ducaan kugu akhrinayaa
naxariiska eebaa
idinma lawaabinee
intaad dunida joogtoo
nolol aayo tiin wacan
aaqirana fardoowsaa
anbiyada agtooda
eeban kuu baryayaa

Exit mobile version