cosob roob ku da'ayoo
dhirtu wada cagaarantoo
cidna dookhi waligeed
caynkeeda leedahay

aduun cagaha ma soo dhigin
cidna laguma sheegine
way waxma caynadaade

casiisow allahayow
adaan kuu cabanayaa
iga bixi ciriirigan
damac cuduuda igaliye

caafimadna waan qabe
waxaan cuno ma waayine
waxa caynkan ii galay
waa caashaqaage

sidaan ahay nin cudur qaba
ama caalin nibirtee
cidna lama caweeye

casiisow allahayow
adaan kuu cabanayaa
iga bixi ciriirigan
fahmo cuduuda igaliye

Exit mobile version