tuskii seerma waydiyo
todobkii gugoo da'ay
tiixiyo xareeduna
xays ku soo talaalmoo

cadceedoo ku toosnayd
falaadha ka tabisoo
tabta kaaha waabari
midab lagu tilmaamiyo

sow muuqhaldhaalay
may taabin maankoo
waxan talo oday qaba
la igu taran jacaylkee

sida tulida geeloo
sabadkii la tumayoo
tultul u naaxaysoo
inta ka talax la hor wali

ana uur ku taalada
wuxuu beerku tabayaa
midii lagu talaalee
taashka quruxda loo xidhay

Exit mobile version