Daymadaad u roontahay
Dabci waad u bilan tahay
Marna waa dul badan tahay
Dumar waad ka shidan tahay
Oo waad ka duwan tahay
Ana waan ku doortoo
Dadkaan kuugu jecelahay
2x

Dookhaygiibaad tahoo
Adaan kuu danleeyahay
Intaan dunida saar nahay
Dartaabaan u noolahay
2x

Adba waa dun wacan tahay
Da,daa waad ka mudan
Daryeel waad ku filan tahay
Danbi waad ka madhan tahay
Nafta waad u diran tahay
Ana waad ideeqdoo
Waad kuu il daranahay
2x

Qudhaydaa danaysoo
Qalbigaa daweysoo
Doc kastoo ka eegaba
Waxaa tahay dadkaygiiyee
Dadkaygiiyee dadkaygiiyee
5x

Exit mobile version