Dhabtii dhabtii
Caashaqaan dhisaayay
Dhidibadana aan u taagay
Dhaawacana wiilaw ka dhawray
Adigaa dhayal uga dhaqaaqay
Oo ku dhaafshay dhigaa
Anigoo ku dhaafsay

Dharaar qudha kaama jeesan
Dhaawicii anigaa i gaadhay
Allaa iga soo dhameeyay Alla
oo Rabaa iga soo dhameeyay Allaa

Dhibaatada iyo xanuunku
Dhankaagay u liicday maanta
Dhamays adigoo u jeeda
Dhan kale u fooftay wiiloow

Dhacdadaa maanta taala
Adigaa dhaliyoo abuuray
Adigaa dhaxantiyo qabawga
Ka doortay guri dhisnaaye
Oo dhibaatadii aan la liitay

Dharaarahan aan la jiifay
Allaha daa’imaa i dhaafshay
Dhibkiisana iga soo dhameeyay Allaa
Oo Rabaa iga soo dhameeyay Allaa

Dhibaatada iyo xanuunku
Dhankaagay u liicday maanta
Dhamays adigoo u jeeda
Dhan kale u fooftay wiiloow

Exit mobile version