Run miyaa jacayl
Inuu raaxo yahay
Inuu raago goor
Ruuxuu ku dhaco
Inuu raamo abid
Run miyaa jacayl
Inuu raaxo yahay
Inuu raago goor
Ruuxuu ku dhaco
Inuu raamo abid
Raga kaan jeclaa
Kaan raadin jiray
Kaan ruuxda iyo
Ruba daydi idhi
Adigaa u roon
Raga kaan jeclaa
Kaan raadin jiray
Kaan ruuxda iyo
Ruba daydi idhi
Adigaa u roon
Waan raadiyaa daba roorayaa
Waan raadiyaa daba ordayaa
Raaxadii hargaysiyo
Xeebtii berbera reerkoodu yahaaye
Waan raadiyaa daba ordayaa
Waan raadiyaa daba roorayaa
Raaxadii hargaysiyo
Xeebtii berbera reerkoodu joogaane
Kaama raysan karo
Caashaqan i raray
Kalkacayl ku riday
Rasbigiisa xaas
Ku rakaadataa
Kaama raysan karo
Caashaqan i raray
Kalkacayl ku riday
Rasbigiisa xaas
Ku rakaadataa
Rijaalkii qalbiga
Rug ku yeeshayoo
Rajadaydiyoow
Rarankaan xubiga
Daji rays qaboow
Rijaalkii qalbiga
Rug ku yeeshayoo
Rajadaydiyoow
Rarankaan xubiga
Daji rays qaboow
Waan raadiyaa daba ordayaa
Waan raadiyaa daba roorayaa
Raaxadii hargaysiyo
Xeebtii berbera reerkoodu yahaaye
Waan raadiyaa daba ordayaa
Waan raadiyaa daba roorayaa
Raaxadii hargaysiyo
Xeebtii berbera reerkoodu yahaaye
Xeebtii berbera reerkoodu joogaane