alaylehe jacalkii
jarbuu iga ridee
jiif iyo joogba diidee
meelaan jid marinbaa
kaligay jiciirnee
nafta jamashaadeediyo
jeedaala eegmada
jaleecada indha iyo
qalbigaa i jiitee
sideen u joojiyaa
jirid ogu adkeeyaa
xageen u jeediyaa
ama ogu jeheeyaa
jawdiyo xiinka yaabe
jugle iyo sasabaniya
jabuu iga waraabshee
marna jiilaal abaariy
jiicle ahay jaguug awr
igu jilib xidhee
jaguu iga dhigtee
juuqliyo ay jibaaxee
jeedhgo'ay habeen qudha
jira anoon ku seexanee
marba libaax jibaadiyo
jilbiskiyo abeesada
jaanrogadka qoobka ah
isku jeedhnay dawgee

Exit mobile version