VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dooqna waa kan igu jira - Lyrics

Samatar Dalsankii wiriiroo xiligii ku di i jiray dabarsamuu ku onkoday darantuna ugbaad tahay oo ramasku dayr dhalay deercadkisii loo dhigay nirgaha mid duleedka damalada hadhkoodana dikriyeysa culimadu Habluhuu dahab la moodiyo doobkiyo barbaartuna ilaa waaga daalaco sacabka ayna dayneyn Daymada sideedii marka aan ku daawado qalbiga ku diirsada Dadna adaa ugu qurux badaney jeegaanta roobkiyo adaa doogna ka udgoon dumarna waa adoo qudha dookhna waa ka igu jira duntuna iigu kaa xidhan Magool Dooliyo afmeero roobaan dabayliyo duufaan wax Qaadiyo dibindaabyo lagu arag oo mawluhu ugu deeqoo dhulka meesha dididbka ah daadkii kusoo jabay dambaskii uu kala tagay iyo digadii xoolaha Uu Madarku dayr dhalay hoobaan da'aysiyoo Uu cirku dayr dhalay hoobaan da'aysiyoo malabyadii kadaatiyo dusha midho ku leeyihiin Daymada sidoo dii marka aanku daawado indhaha i daraan dara Dadna adaa ugu qurux badaney waagoo dilaaciyo dabna adaa ka muuq dheer Ragna doorkii baa tahay dookhna waaka igu jiraa duntuna iigu kaa xiran Samatar Xidigtii dagaar iyo dayaxa iyo cadceedo darisoo gantaalaha dacalada ka baxayiyo diilimo iska hor yimid daheer damaano cirka meel ka wada dagay oo daga iyo nuurka midabkooda dahabka ah Daaweystay maalmuhu dan wadaag shucaac u leh sagalyaroo da'a a iyo dusha caad isaga maray Dar alee jaleecada waxay dunida u eegyihiin idileey adaa jira Dadna adaa guu qurux badan jeegaanta roobkiyo adaa doogna ka udgoon dumarna waa adoo qudha dookhna waa ka igu jira duntuna iigu kaa xidhan. Magool Ina soo barwaaqoo dunida cawle ku onkodaye dhulka mesha dirida leh doogiyo xareedii labadii is dabasheen Duunyaduna galabtii laxda sabada daaqdiyo neyluhuna duleedkii farduhu is dugsanayaan Ooy dumarku hawlihii soo dabaalaay leeyiihiin Awrna dabarka lagu xidhin meel dheerna laga dayin Dayashada kal gacalka marka aan ku daawado indhaha i daraan dara Dadna adaa ugu qurux badaney waagoo dilaaciyo dabna adaa ka muuq dheer Ragna doorkii baa tahay dookhna waakan igu jiraa duntuna iigu kaa xidhan
Queue is empty
-- / --