VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dooqna waa kan igu jira mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Halimo Khalif Magool
Dooqna waa kan igu jira

Samatar

Dalsankii wiriiroo
xiligii ku di i jiray
dabarsamuu ku onkoday
darantuna ugbaad tahay
oo ramasku dayr dhalay
deercadkisii loo dhigay
nirgaha mid duleedka
damalada hadhkoodana
dikriyeysa culimadu

Habluhuu dahab la moodiyo
doobkiyo barbaartuna
ilaa waaga daalaco
sacabka ayna dayneyn

Daymada sideedii
marka aan ku daawado
qalbiga ku diirsada

Dadna adaa ugu qurux badaney
jeegaanta roobkiyo
adaa doogna ka udgoon
dumarna waa adoo qudha
dookhna waa ka igu jira
duntuna iigu kaa xidhan

Magool

Dooliyo afmeero
roobaan dabayliyo
duufaan wax Qaadiyo
dibindaabyo lagu arag
oo mawluhu ugu deeqoo
dhulka meesha dididbka ah
daadkii kusoo jabay
dambaskii uu kala tagay
iyo digadii xoolaha

Uu Madarku dayr dhalay
hoobaan da’aysiyoo

Uu cirku dayr dhalay
hoobaan da’aysiyoo
malabyadii kadaatiyo
dusha midho ku leeyihiin

Daymada sidoo dii
marka aanku daawado
indhaha i daraan dara

Dadna adaa ugu qurux badaney
waagoo dilaaciyo
dabna adaa ka muuq dheer

Ragna doorkii baa tahay
dookhna waaka igu jiraa
duntuna iigu kaa xiran

Samatar

Xidigtii dagaar iyo
dayaxa iyo cadceedo
darisoo gantaalaha
dacalada ka baxayiyo
diilimo iska hor yimid
daheer damaano
cirka meel ka wada dagay
oo daga iyo nuurka
midabkooda dahabka ah

Daaweystay maalmuhu
dan wadaag shucaac u leh
sagalyaroo da’a a iyo
dusha caad isaga maray

Dar alee jaleecada
waxay dunida u eegyihiin
idileey adaa jira

Dadna adaa guu qurux badan
jeegaanta roobkiyo
adaa doogna ka udgoon
dumarna waa adoo qudha
dookhna waa ka igu jira
duntuna iigu kaa xidhan.

Magool

Ina soo barwaaqoo
dunida cawle ku onkodaye
dhulka mesha dirida leh
doogiyo xareedii
labadii is dabasheen

Duunyaduna galabtii
laxda sabada daaqdiyo
neyluhuna duleedkii
farduhu is dugsanayaan

Ooy dumarku hawlihii
soo dabaalaay leeyiihiin

Awrna dabarka lagu xidhin
meel dheerna laga dayin

Dayashada kal gacalka
marka aan ku daawado
indhaha i daraan dara

Dadna adaa ugu qurux badaney
waagoo dilaaciyo
dabna adaa ka muuq dheer

Ragna doorkii baa tahay
dookhna waakan igu jiraa
duntuna iigu kaa xidhan

codkii Halimo Khalif Magool, Hassan A Samatar