gacalo gacalooy hoow gaclo
gacantaydii midigeey
gididle waa gadiisiiye godole
gudhbood iyo guhaad
guri may gasheen
gabogabiyo ciil
maanigaa guntaday
gabax idhi gugaygoon
weli gelin todoba
gacale waa gadiisiiye gododle
na guryoo gambiyay
intuu gaatamuu
garbo aan wax qarin
la gaboodsadee
garka xariga adag
nagu giijiyee
guul baan wadnee
galo waa gardaran
gacale waa gadiisiiye gododle
ma labaan guursadoo
guul daro iy ciil
xalay guurihii
waxaan gawdaka ku haya
gego madhan gawaan
gaadmadii horaan
la guuxayaa
gaaxdeedii
la golongoloo
gacaltooyadiin
iga gaabsatee
guulow allaa
igargaarayee
gabdhahyahow
galab wanaagsan
oo i gabtee
waa gadiiniiye igabtee
sida geed ku yaal
gego madhan dusheed baan
ged gadoomayaa
laba gebi dhexdoodee
geb gablaynayaayoo
waan goohayaa
gacale waa gadiisiiye gododle
sida goosan adhi
uu weer galuu
ka la gaabiyaa
haraad gawracmee
gubtoo gelin cidlaan
ku godoomayaa
good iyo abees
gacan webi ma galiy
gacale waa gadiisiiye gododle
gabal dhacay dam yidhi
gaajo iyo haraad
nimaad galalabteen
ka ma gaabsadoo
wuu soo gataacaa
gacmahaygii baa
godin lagu jaroo
dumar garasho ma leh
geesi baa gablamay
markii ay gantaal
sidii goodirkii
garka iyo wadanaha
garab kala heleen
gabdhayohow alla waa galgelyeen
guulow alaa igargaarayee
gabdhayahow galab wanaagsan
oo igabtee waa gadininiiye

Exit mobile version