VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ilin jacayl mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Halimo Khalif Magool
Ilin jacayl

Waxan arkaa ma'adigaa
Ma insibaa ma jin
La ii aloolaybaa

Ma ilayskii cad ceedee
Aduunyada iftiimiyaa

Ma afar iyo tobnaad baa
Ma oogtii waa barigaa

Markaan ku eegaan
indha daraan daray

Aawadaa ashaqaaray
Indha daraan daray

Aabigaagaan ambiyoy
Asqoobayee

Iba mee imee iba mee
Iba mee imee iba mee

Ma oogadaynu ubaxnay
Madayaxaynu aadnay

Intee baynu joognaa
Intee baynu joognaa

Ma ifkiibaa ma aakhiraa
Intee baynu joognaa

Alay leheed i aamantay
Doqon baadse ismoodaa

Af inuu wax tarayoo amar
Uu kugaaraa x2

Erayadadan La amakagay
Erayadadan La amakagay

aawadeed anfariiray
Aqoonta gaaban

Ulakac baad oloshayoo
Ambatayee

Ogaadayay waan oolayee
Ogaadayeey

Ilin jaceel baad abuurtay
Uur kaygana ku beertay

Arligiibaynu joognaa
Adimadaynu kuhaynaa

Ma anigaa ma adigaa
Ma anigaa ma adigaa

Ma israacii dhexdeenaan
Ad keenayaaye ilaali baa

Mar sidii ilayskii ololkaa
Iftiinkaagu ijiidhay

Marsidii ubax iyo ugbaad
Baa udgon kaagii isaaqay

Ilaxidhkii wadnahaad Iimaysayo abaartayee

Eebadii kalgacalkaa
Ololka iigu goysayee

Markaan ku eegaan
Indha daraan daray

Aawadaa ashqaaray
Indha daraan daray

Aabigaagaan ambiyoy
Asqoobayee

Iba mee imee iba mee
Iba mee imee iba mee

Ma oogadaynu ubaxnay
Madayaxaynu aadnay

Intee baynu joognaa
Intee baynu joognaa

Ma ifkiibaa ma aakhiraa
Intee baynu joognaa

Inkastoon ololoon
Iftiinkayga layaabo

Ama aan ufo roob ka
Udgoon badanahay

Asaagay mid ahbaan
Ooridiisa ahaane

Ubadkiisaan xambaari
Aduun kiisaan ilaalin

Erayadadan la amakagay
Aawadeed anfariiray
Aqoonta gaaban

Ulakac baad oloshayoo
Ambatayee

Ogaadayay waan oolayee
Ogaadayee

Ilin jaceel baad abuurtay
Uur kaygana ku beertay

Arligiibaynu joognaa
Adimadaynu ku haynaa

Intee baynu joognaa
Intee baynu joognaa

Arligiibaynu joognaa
Adimadaynu ku haynaa

codkii Halimo Khalif Magool