inanyohoow jacalkii
jidhikiyo lafaha iyo
waduhuu dhex jiifaa
welina waan jirabanahay
kugu jahowareeree
hadmaad jixin jixaysaa
soo jeed san doonataa
jacayl igu ekaayoo
jira igu abuuryoo
jardheer buu i saaroo
hurdo jiif san waayee
jamashada nafteydoow
halkaad iga jirtaa baan
jeedaaliyaayoo
jaleecada ma daayee
juumaha aroortii
jarmaadada ma daayoo
socod joogsan waayoo
jaarkii bey ila yaabee
jabse wuxuu dambeeyaa
kolkuu jaraha kugu xidhoo
ana iga janjeedhsado

Exit mobile version