ma salguuro caashaqee
ani sibiq ma igu yidhi
intuu samada ila tageey
saxar qaadka fooraha
dul sabee ma igu yidhi
dhalanteed ma igu sabay
soojeede maqanoon
seexaneeyn ma iga dhigay
masaluugo caashaqee
ani sahal ma igu helay
intuu soortii iga jaray
suun adag ma igu xidhay
ma isaaray heegada
wax sanceeya ma u la oo
saakay maygu wayn yahay
suxuladaa ma ii dhigay
ma salguuro caashaqee
ani saw ma igu riday
sambabadiyo feedhaha
intuu surima kala baxay
maku soofay xididada
seedihiyo lafaha iyo
wadnahii ma sarayoo
halistii ma sudhan yahay

Exit mobile version