[Tubeec]

Neyruusku waa ciid
waa nagi aduunyadu
waa nuur kalgacalkuye
magooley
waa nuur kalgacalkuye
xaliimooy
nafta maw xidigisaa
nacab ma iska celisaa
waxaad naawileysiyo
naqu makuu cuntamayaa
inaguna nasiibkeen
nasiibkaa nasiibkey
maku naaxi doonaa
caashaquna neecawda
maku neefsan doonaa

[Magool]

Nayruusku waa ciid
waa nagi adduunyadu
waa naar kalgacalkuye
nasiibow
waa naar kalgacalkuye
nafteydow
nabaraa i gaadhoo
ma nuux nuuxsan karayee
anigay noq noqoshadu
i naanaabineysaa
sidan kuugu nabanahay
hadaad iigu nudan tahay
amaad iigu nugushahay
xiskeenoo nagaadiyo
nimco la arki doonee

[Tubeec]

Waligey kumaan nicin
naagana kuma ag dhigin
ka nixina ismaan odhan
naruurooy
ka nixina ismaan odhan
nasteexooy
nidir waxan ku gali jirey
noloshadaada awgeed
qalbigeedu noogiyo
naafaba ha daayee
allahayow nasiibkeen
nasiibkaa nasiibkey
maku naaxi doonaa
caashaquna neecawda
maku neefsan doonaa

[Magool]

Neyruusku waa ciid
waa nagi adduunyadu
waa naar kalgacalkuye
nasiibow
waa naar kalgacalkuye
nafteydow
waa nibiri caashaquye
nugul waa u daran yee
hore iigumaad nixin
naxariis kalgacalee
waan ku naawilaayee
nabad aan ku waarnee
igadaa litaaqada
niyad samida caashaqa
adiguna ha naafeyn.

Exit mobile version