Sida sida geed caleen lahoo
Ubax wada casaadiyo
Cusab iyo barwaaqo leh

Cirka mool ku taaliyo
Sagalkii cadcayda  hoobay hooy

Adigay iyo cajabiyo  -Hooy
Cawa iyo naftaydiyo – Hooy hooy

Dhibka ka caafimaadnay
Waynu waynu ciidaan

Geesigaan cadaawaha
Cudadiisa xooga leh
Kaga ciilbaxaayo

Inkastoow cabaariyo
Muddo kala cilaaween
Hoobay hooy

Calafbaa sugaynoow
Caawiyay nafteenii-hooy hooy

Dhib ka caafimaaday
Waynu ciidaa

Hoobay hoobay -Hoyaale
Hoobaale

 

Exit mobile version