Xalay daruustii laydhigay,
intaan daawanlaa buu
Fakarku igu soo dagay
Ila koray daruuraha!

Habeen horena doodi
Dunta iyo xariirtii
Degmadii arooska
Waagu iigu daalacay

Duhurkii shalaytana
Dunidaan dhib waayine
Warqadihii la soo diray
Durbadaan furfuray bay
Dadkii igaga kediyeen!

Markuu inan dantii wado
Ee uu dugsiga jiro
Dayaaradda ma raacaa
Jacaylka uma duulee
Dareenkaa xusuustaa
Qaar aan u diidayn
Anna ii danaynayn
Dadaalkii cusleeyee!;

Xalay dahab la moodkii,
Intaan daawan laa buu
Dayaxii habeennimo
Iga galay daruuraha!

Habeen horena dooddii
Danta wadajirkeenuu
Waaga iigu daalacay!

Duhurkii shalaytona
Dunidaan dhib waayine
Dibnahaan u furay buu
Soo daatay dhibicii!

Markuu inan dantii wado
Ee uu dugsiga jiro
Dayaaradda ma raacaa
Jacaylka uma duulee
Dareenkaa xusuustaa
Qaar aan u diidayn
Anna ii danaynayn
Dadaalkii cusleeyee.

Exit mobile version