VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waysla doonasho ilaah - Lyrics

waxa dumarka geeliyo dahab looga bixiyaa ama doodiyow faras haween loo dir soocaa waa dawga noloshee adna dahab la moodyeey sow dumar dhamaantii haween kaama dayanoo naftu kaama doorbidin sida daaqsi roobaad iyo dooga ubaxaan kuu daawadaayoo kaa daali maayee dawooy ha iga dheeraan ama duug jacayloo mudo badan dadaayoo daashaday naftaydaa igu soo duxaayoo waa isla doonasho ILAAH caashaqaan daryeelee u dadaali jiraye durbaakiyo ciyaaraha u dabaal dagayna sida daaqsin roobaad iyo dooga ubaxaan kuu daawadaayoo kaa daali maayee daflow ha iga dhaaraan marka aad darmaanyahay daganida talaabada dabacsani u socotaa ana dookha caashaqa la igu sii didayaa daabaca xariirtiyo waxa tahay dun iyo shaal qurux lagu daleeyoo anigaa ku doortee ruuxii daryeelee caashaqa daneeyiyo daacadi ma iishee damal hadhac qabaw iyo dugsi lagu nagaadaw midkii aan dabaylaha dibadaha u marayee doondooni jirayaw DAA'IMbaa isu keen simay
Queue is empty
-- / --