1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
waxa dumarka geeliyo
dahab looga bixiyaa
ama doodiyow faras
haween loo dir soocaa
waa dawga noloshee
adna dahab la moodyeey
sow dumar dhamaantii
haween kaama dayanoo
naftu kaama doorbidin
sida daaqsi roobaad
iyo dooga ubaxaan
kuu daawadaayoo
kaa daali maayee
dawooy ha iga dheeraan
ama duug jacayloo
mudo badan dadaayoo
daashaday naftaydaa
igu soo duxaayoo
waa isla doonasho ILAAH
caashaqaan daryeelee
u dadaali jiraye
durbaakiyo ciyaaraha
u dabaal dagayna
sida daaqsin roobaad
iyo dooga ubaxaan
kuu daawadaayoo
kaa daali maayee
daflow ha iga dhaaraan
marka aad darmaanyahay
daganida talaabada
dabacsani u socotaa
ana dookha caashaqa
la igu sii didayaa
daabaca xariirtiyo
waxa tahay dun iyo shaal
qurux lagu daleeyoo
anigaa ku doortee
ruuxii daryeelee
caashaqa daneeyiyo
daacadi ma iishee
damal hadhac qabaw iyo
dugsi lagu nagaadaw
midkii aan dabaylaha
dibadaha u marayee
doondooni jirayaw
DAA'IMbaa isu keen simay