labadeena jacaylka
lakibaan u lahayne
lilaahibaan u ahaan
liici maayo waligii

lahadashada wadnahayga
lubigaad iga taaloo
sida laanta madheedhka
qalbigaad lulataaa

lafta dhabarkoow
lafta dhabarkaay
bal qiyaas labadeena
lumi maayo xubigeena
laasimoo wadnahayga
ku lifaaqan laabtayda

lubigii booramiyo
boosaaso dhexdeeda
burco maynu dagnaa
libin aynu ku tanaadno

ha ladnaado ladnaado
ha ladnaado jacaylkuye

sida laydhka la daaro
laac ii baxaayow
luuf luuf kuma gaadhee
kaalay laabta ku seexo

laanyahay magooshaa
ubaxa lalminaysaa
sida laanta madheedhka
qalbigaad lulataa

Exit mobile version