waxaan la karaayo
ee aan la kurbooday
waar waa kalgacayle
korkayga bal taabo

kolkaan ku tabaayay
imaanad kafaynin
markaan kaa jeestay
miyaabad is keentay

kulaylka jacaylku
kiniin bi'i waayay
oo inaan ku qaboobo
kashaada i seexi

kashoon kugu seexsho
kulayl bi'in maysee
dhigaa kula qayra
ka doono magaalka

kun jeeriyo kowba
adaan ku rabaaye
bal kaalay xabiibii
kalsooni abuurnee

kalaam iyo sheeko
waqtiga ku lumaaya
anigu kari maayee
ka leexo hortayda

kaalay yarka ii kalay yarka

ha is kadeedin yarta
kaa diiday yartaa

Exit mobile version