yartan qaaliga
quruxiyo hanaan
qiimaha dadnimo
u qaayo badan
maxaa kuu qarssoon
ee qarinaysaa

qumanaha naftiiyo
qabad kaygiiyoo
i maan qaadaye
maxaan kaa qarshaa
ood goosatoo
ku qaro macaan

qushucaha dareen
waan kugu qancoo
quluubtaad dagtoo
qiirada xubiga
yartan qaaliga
waan kugu qalwaa

qayrkaa adaa
qadarin iyo tixgalin
ugu qayday sharaf
oo aan qiraal
ugu hayaa qariga
kuna qoray qalbiga

qoys aan dhisnoo
qabanqaabinee
jacaylkeena qaran
ma u qotominaa
qorshayaal dhigan
ma u qotominaa

Exit mobile version