nuurbaa daqar igu dhuftoo
qalbigaa doooxoo jar jaray
qofbaan daba roorayaa
misana diifban qabaa
anoo darayaan bukaa
dareen aan muuqan baa
dushayda ka hoorayoo
ahay dacwad baan sidaa
jaceylku halkuu dagaa
qabiilkiii lagu daraaye
muxuu ka qabtaa dunida
dadkaygoow iisharaxa

intaa qadartaa wadnaha
naftayda daciifisoo
anoo digashada ogbaan
dabuubsi ka radiyaa
dalqaafkiisaa dhiblee
dastuurkee lagu xidhaa
dabiibkiisan jirinee
diktoorkee loo tagaa
jaceylku halkuu dagaa
qabiilkii lagu daraaye
muxuu ka qabtaa dunida
dadkaygoow iisharaxa

Exit mobile version