anoo hawdka ku nooloo harawena geela ku maaloo
caanuhu hadhuubkiyo haamaha ka buuxaan
oo aan heela maalkiyo haasaawe wali baran

hablohoo dhan midii uu hanankeedu ideeqaay
hadal aad i tidhibaa halbawlahayga wareemoo
hurdo kaama seexdee illa joog had iyo goor

hal abuur uma dhalanine soo horjoogsigaagiibay
kaa heshay naftayduyoo hami igu abuurmee
hadiyadii naftaydaay hibo eebe bixiyaay
hodantaan jeclaayee halbawlahayga ku taalaay

Exit mobile version