Talo wanaagay
Tusalaha halyaygaay
Tafiirtii soomalaay
Ayaan dhalad tiriigay
X2

Ku talaabso gushada
Ku tayaysan magacaga
Ku taag taagso nacab
Kaaga dhulka taako
Taakayso X2

Ileen waa tubtaadii
Dhex taxaal jigjiga
Maalmo ku raxlay
Tag oo booqo jarar
Taaj hakuu saarto
X2

Awaaroo tigaadaysan
Togdheer oo barwaqay-
San farxad toos uwada
Qaata tunta dhaanto
Iyo heeso X2

Toga jowhar oo buxa
Muqdishoo nabadi
Taalo hargaysana
Tuskii hooray taamilo
Ku noolow dheh X2

Exit mobile version