Jal u tara naf jibaysaneey
Juuq ku dhaya qalbi jeelaneey
Aniga jeex ila jaaraheey
Jawharadaan dumarkaba jantaay

Jal u tara naf jibaysaneey
Juuq ku dhaya qalbi jeelaneey
Aniga jeex ila jaaraheey
Jawharadaan dumarkaba jantaay

Jaah ku kaba aan ka joogsadaay
Jaro ku xidha qudha jamatayeey
Qarawga jara farxad jiibiyaay
Hadal jikaar iga joojiyaay

Jaah ku kaba aan ka joogsadaay
Jaro ku xidha qudha jamatayeey
Qarawga jara farxad jiibiyaay
Hadal jikaar iga joojiyaay

Ii ah jaal kasha jiibsataay
Ii ah jamaal qurux jiidataay
Ii ah jano ifka igu jashaay
Ii ahaw jidka nolasha jira

Ii ah jaal kasha jiibsataay
Ii ah jamaal qurux jiidataay
Ii ah jano ifka igu jashaay
Ii ahaw jidka nolasha jira
Jidka nolasha jira
Jidka nolasha jira

Jeex ka mida ruuxda igu jirtaay
Taan jecleen ku janaystayeey
Marwo jaliil kasho jiifiyaay
Naftayda jago taan uga jaraay

Jeex ka mida ruuxda igu jirtaay
Taan jecleen ku janaystayeey
Marwo jaliil kasho jiifiyaay
Naftayda jago taan uga jaraay

Taan jikaar ka jaxaasayeey
Jeelka tira nolol igu jashaay
Nacabka jara samo ila jantaay
Boqoro joog qurux lagu joogyaay

Taan jikaar ka jaxaasayeey
Jeelka tira nolol igu jashaay
Nacabka jara samo ila jantaay
Boqoro joog qurux lagu joogyaay

Ii ah jaal kasha jiibsataay
Ii ah jamaal qurux jiidataay
Ii ah jano ifka igu jashaay
Ii ahaw jidka nolasha jira

Ii ah jaal kasha jiibsataay
Ii ah jamaal qurux jiidataay
Ii ah jano ifka igu jashaay
Ii ahaw jidka nolasha jira

Exit mobile version